4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 28, 2021
Safiirka Soomaaliya ee Canada oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa
 

Talaado, September, 28, 2021 (HOL) - Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magaalada Ottawa, Canada ayaa kulan ballaaran la qaadatay Danjiraha Cusub ee dowladda Soomaaliya u fadhiya Canada, Danjire Hassan Dahir Dhimbil,

Dadka ka soo qeyb galay kulanka ayaa isugu jirtay dhammaaan qeybaha ka duwan ay Jaaliyaddu ka kooban tahay, waxayna Jaaliyaddu ka dhageysatay Danjire Hassan Dahir Dhimbil warbixin ku saabsan  waxyaabaha uu u qaban doono Jaaliyadda Canada.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada, ayaa ballan qaaday iney Danjiraha kala shaqayn doonaan sidii safaarada Soomaaliyeed u shaqo bilaabi laheyd, waxayna hoosta ka xarriiqeen in jaaliyaddu ay tusaale u noqon doonto Jaaliyadaha kale ee ku nool dalka Canada.

Waxaa ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay kulanka Danjirihii ugu horeeyey ee Safaarad ka fura Canada sanadkii 1979 Abdinur Yusuf, oo talo tusaaleba ka jeediyey kulanka, iyo weliba Safiirkii hore ee dalka Sudan Mukhtar Ibraahim Fiqi.

Amb, Xasan Daahir Dimbil ayaa daba yaaqadii sannadkii 2020 loo Magacaabay safiirkii ugu horeeyay ee Canada muddo sanado kadib.

Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay safiir u dirtay dalka Canada sanadkii 2014, kaas oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdi (Gandi), waxaana magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online