10/25/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 11, 2021
Dad shacab ah oo ku dhintay Ceel biyood kusoo dumay deegaanka Goola Goole ee gobolka Galgaduud
 

Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Goola Goole oo dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud 75-KM ayaa sheegaya in halkaasi sadax ruux ay ku geeriyoodeen kadib markuu kusoo dumay Ceel biyood ay qodayeen.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in sadax ruux ee uu kusoo dumay Ceelka biyoodka xili ay qodayeen, waxaana la sheegay in meydadkooda laga soo saaray waqtig dambe.

Gobolka Galgaduud deegaanadiisa inta badan dadka waxay ku tiirsan yihiin oo ay biyaha ka cabaan Ceelal aad u dhaadheer, oo si farsameysan u qotaan dadka ku nool deegaanada Miyiga gobolkaasi.

Waxaa horay sidaan oo kale uga dhacay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud iney dad ugu dhinteen Barkadaha biyaha laga cabo iyo Ceelal biyoodyo sidaan oo kale kusoo dumay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/11/2021 3:45 PM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Awdal Cabdirashiid Ibraahin Isaaq, ayaa cambaareyay xadhiga qaar kamid ah isuduwayaasha gobolka, oo uu sheegay in badhasaabka gobolku uu xabsiga dhigay kadib markii ay ka habsameen shir lagu qaban qaabinayay soo dhawaynta madaxweyne Biixi oo gobolka ku wajahan.

9/11/2021 3:13 PM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Dr. Tahliil Faarax oo ah Aabaha dhalay Ikraan Tahliil Faarax, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dilka gabadhiisa loo saariyo kooxda Alshabaab, wuxuuna sheegay in gabadhiisa ay ku maqan tahay gacanta NISA.

9/11/2021 2:05 PM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Dabley aan haybtooda la aqoonsan ayaa rasaas ku diley Cabdirisaaq Axmed Cilmi "Cabdirisaaq Cardoofe" oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Degmada Laascaanood ee dhowaanta la doortay.

9/11/2021 9:16 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilka qaadis, isku badal iyo magacaabis ku sameeyay qaar kamid ah badhasaabada gobolada Somaliland iyo hay'adaha qaar kood.

9/11/2021 9:07 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmamay in xisbiga Waddani wasiir Koore ku tilmaamo shakhsi Somaliland ku jooga guno, wasiirka ayaa sidoo kale ka jawabay waraysi uu bixiyay guddoomiyaha wakiilada Somaliland mudo kahor.

9/11/2021 8:16 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed Axmed Qoor-qoor iyo Cabdicasiis lafta-gareen ayaa ku guulaystay in ay wadahadal iskugu keenaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisulwasaare Rooble oo uu ka dhex taagan yahay khilaaf ka dhashay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

9/11/2021 7:31 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Wafdi katirsan booliiska dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa kormeer ku tagay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo oo kamid ah magaalooyinka lagu qabanayo doorashooyinka aqalka hoose.

9/11/2021 6:38 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu gaf ka galay dadka daga bariga Somaliland kadib markii xogeeyaha guud ee xisbigaasi sheegay in wasiir Koore uu Somaliland kula joogo gunno ama laaluush.

9/11/2021 1:55 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya iney socdaan kulamo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

9/11/2021 1:37 AM EST
Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ka ah Kenya, kana faallooda arrimaha siyaasadda ee Bariga/Geeska Afrika ayaa laga afduubay bartamaha Nairobi, Kenya 8 -dii Sep 2021.