4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 6 , 2021
Jarmalka iyo Ingiriiska oo Kenya u dhisaya xarun milatari oo looga hortagayo qaraxyada Alshabaab
 

Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa ka bilaabay dhismaha xarun looga hortagayo waxyaabaha qarxa (C-IED), si kor loogu qaado awoodda ciidamada ee la dagaalanka Alshabaab.

Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa iska kaashaday, si ay Kenya ugu dhisaan xarun milateri oo doonaysa inay sare u qaaddo awoodda saraakiisha amniga si ay naftooda u difaacaan, ugana adkaadaan qaraxyada la farsameeyo ee oo yaqaano IED.

Al-Shabaab waxay noqotay mid ka mid ah kooxaha mayalka adag ee adeegsata qaraxyada ugu dhimashada badan qaaradda Afrika, iyadoo adeegsata nuuca IED, oo laga sameeyo waxyaabo la isku dardaray.

Qaraxyadan ayaa ah halista ugu weyn ee ciiddamada difaaca Kenya iyo ciidamada ka socda waddamada kale ee wax ku biiriya la dagaallanka Al-Shabaab oo qayb ka ah Hawlgalka AMISOM.

Ku xigeenka safiirka Jarmalka Thomas Wimmer, ayaa sheegay in ay ku maalgelinayaan wajiga koowaad 300 milyan oo shilinka Kenya ah, dhismaha xarunta ka hortagga weerarada argigixisada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online