4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 5 , 2021
Dagaal Beeleed Saaka ka qarxay duuleedka magaalada Baledweyne
 

Arbaco, May, 05, 2021 (HOL) - Dagaalkan ayaa u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah oo wada dega Galbeedka magaalada Baledweyne ayaa ka socda deegaanka Haarcadeey oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan ilaa 6KM dhinaca Galbeed.

Dagaalkan oo qarxay aroornimadii hore ee saakay ayaa la sheegay inuu ka bilaawday muran la xariira lahaan shiyaha  dhul beereed ku yaala deegaankaasi.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamaya deegaanka Haarcadeey ee Galbeedka Magaalada Baledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa goordhaw ka hadlay dagaalka saaka ka qarxay deegaanka Haarcadeey, isagoona ku baaqay si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay iney geynayaan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobolka goobta aay ku dagaalamayaan labada Maleeshiyo beeleed si loo joojiyo dagaalka u dhaxeeya labada Maleeshiyo ee saaka ka qarxay duleedka Galbeed ee magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]