4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 1 , 2021
Farmaajo oo Baarlamaanka ka codsaday in dib loogu laabto hannaankii doorashada 17kii September

 

Sabti, May. 01, 2021 (HOL)  - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo goor dhaw khudbad ka hor jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka codsaday in ay ka tanaasulaan hindise sharciyeedkii muddo kororsiga oo ay dhawaan ansixiyeen, taa badalkeedana dib loogu laabto hannaankii doorashada 17ka September.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in uu cadeynayo laga bilaabo maanta in uu maamulka iyo amniga doorashada ku wareejiyay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble.

Khudbadiisa ayuu ku sheegay in marnaba uusan aqbaleynin in dalkan qalalaase la galiyo gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo sida uu hadalka u dhigay ah halkii uu ku soo barbaaray.

Waxaa uu ku eedeeyay hoggaamiyayaasha mucaaraadka in ay abaabuleen dhalinyarro hubeysan oo sida uu sheegay la doonayay in dalka dhibaato loogu horseedo gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana uu intaa raaciyay in ka dowlad ahaan go'aansadeen in dadka dhagahooda laga ilaaliyo dhawaqa rasaasta.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaddib isaga baxay Golaha oo ay hadda fadhiyaan xildhibaannada oo la filayo in ay go'aan ka gaaraan codsiga madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]