4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 7 , 2021
Hargaysa: dad waxyeelo kasoo gaadhay dugsi uu dab ka kacay
 


Axad, Maarso, 07, 2021 (HOL) - 48 qof oo arday u badan ayaa ku dhawacmay dab qabsaday dugsiga Dacwa, oo ah dugsi diinta Islaamka lagu barto.

Warbixin lagu qoray boga Facebook ga ee ciidamada dab-damiska ayaa lagu sheegay in xiliga uu dabku qarxay ay dugsiga wax ka baranayeen 250 arday.

Warbixinta aya sidokale lagu sheegay in aan ilaa hada la’ogayn sababta dhalisay dabka isla markaana uu ciidanka dab-damisku baadhiis ku hayo.

Dhaawacyada ugu badan ayaa ka dhashay kadib markii ay ardaydu iska soo daadiyeen dabaqa sare markii uu dabku qarxay sida warbixinta dab-damiska lagu sheegay.

“Ardayda badan koodu way neef qabatoobeen, waa laysku wareeray oo waa la’is arki wayay, markiiba waanu tagnay dabkiina waanu bakhtinay.” Sida waxa yidhi taliyaha ciidanka dab-damiska, Axmed Maxamed Xasan.

Dhaawacyada ka dhashay dabka ayaa waxa lagula tacaalayaa isbitaalka guud ee Hargaysa.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]