4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 7 , 2021
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika
 

Axad, Maarso, 07, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Koofur Afrika gaar ahaan tuuladda lagu magacaabo Khayelitsha Site B ayaa sheegaya in galinkii dambe ee maanta halkaasi lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed.

Ganacsadaha Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Maalin oo ahaa 29-sano jir ayaa la sheegay in lagu dhex toogtay goobtiisa ganacsi ee ku taalay tuuladda Khayelitsha Site B ee dalkaasi Koofur Afrika.

Dilka Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa dhacay kadib markii kooxo hubeysan aay gudaha u galeen dukaankiisa, dabdeedna aay rasaas badan ooda uga qaadeen taasoo sababtay in isla goobta uu ku geeriyoodo marxuum Cabdi  Cali Maalin waxaana dilkiisa kadib la sheegay in buracada aay dhaceen dukaanka.

Dalka Koofur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilal lagu beegsanaayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku leh goobaha ganacsiga iyadoo dowlada dalkaasina aay sheegto mar walba oo la dilo ganacsade Soomaaliyeed iney soo qaban doonto cidii dishay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]