4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2021
Kiisaskii ugu danbeeyay cudurka Covid 19 ee Soomaaliya

 

Axad, Maarso, 07, 2021 (HOL) - Wasaarradda Caafimaadka ayaa soo saartay saameynta cudurka Covid 19 ee Soomaaliya 24 saac ee la soo dhaafay iyadoo baaritaan lagu sameeyay dad gaaraya 1,966.

Wasaarradda ayaa sheegtay in cudurkan laga helay dad dhan 280 ruux oo ku kala sugan caasimada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Puntland ayeey sheegtay Wasaarradu in laga helay 133 ruux, Banaadir: 96, Soomaliland 27, Koonfur Galbeed: 14  iyo waliba Jubaland laga helay: 10 ruux, sida lagu sheegay warbixinta wasaarradda.

Sidoo kale Wasaaaradu waxaa ay intaa ku dartay in tirada dhimashada ay gaareyso 8 ruux halka 36 ruuxna ay ka caafimaadeen cudurka.

Cudurka Covid 19 ayaa hadda u muuqda mid siweyn ugu sii baahaya guud ahaan dalka, waxaana dhawaan la filayaa in wadanka la soo gaarsiiyay tallaalka cudurkan oo hadda gaaray qeybo ka mid ah dalalka Bariga Africa

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]