4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 7 , 2021
Daahir Geelle '' Waa in ay sii socdaan wada hadallada Midowga musharixiinta iyo Ra'iisal Wasaare Rooble

 

Axad, Maarso, 07, 2021 (HOL)-  Afhayeenka Golaha Midowga Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in uu soo jeedinayo sii socoshada wada hadallada Midowga Musharixiinta iyo Ra'iisal Wasaare Rooble.

Wuxuu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in miiska lagu wada hadlo laakiin fagaarayaasha waxba leysugu sheegin, dhinacyada khilaafku u dhaxeeyana si fool ka fool ah isku soo hor fariistaan.

“Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisal Wasaare Mxamed Xusseen Rooble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro,” ayuu yiri musharrax Geelle.

Hadalka Daahir Maxamuud Geelle oo hadda ah afhayeenka Midowga Musharixiinta ayaa imanaya xili dhawaan lagu kala taggay kulan ay lahaayeen Ra'iisal Wasaare Rooble iyo xubnaha ugu sar sareeya Midowga, kaddib markii leysku afgaran waayay qoddobo ay shirka la taggeen xubnaha Musharixiinta mucaaradka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]