4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 5 , 2021
Wasiirka amniga Soomaaliya oo soo dhoweeyay in golaha midowga musharrixiinta ay baajiyeen mudaharaadkoodii
 

Jimco, Maarso, 05, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa soo dhoweeyay go’aankii ay golaha midowga musharrixiinta madaxweynaha ku baajiyeen mudaharaadkoodii berrito.

Wasiirka amniga oo qabtay shir jaraa’id ayaa uga mahad celiyay midowga musharrixiinta oo uu sheegay in ay daruufaha caafimaad iyo amni ee jira darteed ay u joojiyeen mudaharaadkii ay maalinta berrito ah u ballansanaayeen.

Xasan xundubeey ayaa sheegay in dowladdu dhib kastaba haku ahaatee uu mowqifkeedu ahaa in aan musharrixiinta laga hor istaagin bannaan baxa, balse haatan ay ku faraxsan yihiin in la garowsaday dhibaatada ka dhalan karta.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in dowladdu marnaba aysan oggolaan doonin mudaharaad aysan amnigeeda gacanta ku hayn inuu ka dhaco Muqdisho, isagoo sheegay arrintaas in ay musharrixiinta aad iskugu khilaafeen.

Dhinaca kale, guddoomiyaha golaha midowga musharrixiinta, Shariif Sheikh Axmed, ayaa ku eedeeyay dowladda in ay ciidamo soo dhoobtay goobihii mudaharaadku ka dhici lahaa, isagoo caddeeyay in  ujeedada laga leeyahay ay tahay in la fashiliyo mudaharaadka ay ku qabsan lahaayeen Muqdisho.

Shariif Sheikh Axmed hadalkiisa kuma sheegin in ay arrimo caafimaad ama amni u baajiyeen mudaharaadka, waxaase uu tilmaamay in ay dowladda ciidamadii qaranka u adeegsanayso in lagu caburiyo shacabka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]