4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 5 , 2021
Qarax aad u weyn oo goor dhaw ka dhacay Maqaaxi lagu magacaabo Luul Yemen oo aan ka fogeyn dekedda Muqdisho

 

Jimco Maarso, 05, 2021 (HOL) -  Qaraxan oo loo maleynayo in uu yahay mid ismiidaamin ah ayaa goor dhaw ka dhacay Maqaaxida lagu magacaabo Luul Yemeni oo aan ka fogeyn dekedda Xamar.

Qaraxan ayaa jugtiisa siweyn u gilgilay inta badan magaalada caasida ah ee Muqdisho waxaa laga arkayaan qeybo ka mid ah magaalada uuro madow iyo holac uu sababay qaraxa.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa durbaba bilaabay in ay gaaraan goobta uu qaraxu ka dhacay, sidoo kale waxaa taggay goobta ciidamada nabad-galyada, ilaa iyo haddana dhab ahaan lama oga khasaaraha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]