4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 5 , 2021
Ra'isal Wasaare Rooble oo ka hadlay fashil ku yimid shir uu xalay la yeeshay Midowga Musharixiinta

 

Jimco Maarso, 05, 2021 (HOL) -  Waxaa xalay lagu kala kacay oo fashil ku soo idlaaday shir Hotel Decale ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta dalka.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa xalay kulankiisii saddexaad la yeeshay xubnaha Midowga Musharixiinta oo dalbaday in ay qeyb ka noqdaan hannaanka wada hadallada arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraal ka soo baxay  xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri'' Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.

Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.

Midowga Musharxiiinta ayaa in muddo ahba ku doodayay in ay xaq u leeyihiin ka qeybgalka shirarka looga wada hadlayo arrimaha Doorashooyinka madaama madaxweyne Farmaajo iyo iyaguba u siman yihiin socod siinta hannaanka doorashada, iyaga oo taa ku micneynaya in Farmaajo waqtigu ka dhamaaday sidaa daraadeed uu la mid yahay musharixiinta kale ee dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]