4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo aqbashay in dibadbaxa mucaaradku ka dhaco Daljirka Dahsoon

 

Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL) - War ka soo baxay dowladda Soomaalya ayaa lagu fasaxay in fagaaraha Daljirka Dahsoon uu ka dhaco dibadbaxa ay qaban-qaabanayaa Midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa horay u diiday in fagaaraha Daljirka Dahsoon isugu soo baxan mucaaradka tan iyo wixii ka danbeeyay 19kii bishii Feberaayo oo iska horimaad culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogag taabacsan Midowga Musharixiinta.

Dowladda ayaa sheegtay in markii hore uu qorshuhu ahaa in dibadbaxu ka dhaco Garoonka Stadium Konis, laakiin siyaasiyiinta mucaaradku ku adkeysteen in dibadbaxooda ku qabsadaan faraaha Daljirka Daljirka Dahsoon.

''Dowladda oo ilaalineysa heshiisyada hor dhaca ah ee xukuumadda iyo mucaaradka, waxaana waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon. 

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa maalmihii ugu danbeeyayba kulamo la la lahaa Midowga Musharixiinta, waxaana kulamadaa ugu danbeyntii leysku afgartay in loo fasaxo dibadbaxa ay doonayaan in ay ku muujiyaan afkaartooda siyaasadeed. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]