Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad galay
Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Waxaa maalintii labaad galay shirka golaha wadatashiga qaran oo u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.
Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kuwada sugan goobta shirka ka socdo ee Teendhada Afisyooni, iyadoo madaxweynaha Hirshabeelle uu kaga qeyb qaadanayo Aalada fogaan araga ee ZOOM-ka.
Shirka maanta ayaa sida qorshaha yahay lagu wadaa iney hortagaan shirka guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka ee uu horay u magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya.
"Waxaa maalintii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Shirka ayaa warbixin lagaga dhageysanayaa Kooxda la taliyeyaasha Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranka" ayuu yiri Afhayeenka xukuumada Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimow.
Shirkan ayaa sidoo kale laga filaya in laga soo saaro natiijooyin mira dhal ah oo doorasho xor iyo xalaal ah u jiheynkara dalka Soomaaliya.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com