10/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 25, 2021
James Swan: Waa muhiim in doorashada waqtigeeda lagusoo gabagabeeyo
 

Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Sooomaaliya ayaa sheegay dhameystirka howlaha doorashada waqtigii loogu talagay in ay tahay mid muhiim ah.

James Swan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu Anadolu, dhameystirka doorashada waqtigii loogu talagalay, in ay mudnaanta u leedahay wax ka qabashada baahiyaha ka jira dalka, sida Xaaladda bani'aadamnimada.

Wuxuu sheegay in ka badan 20% dadweynaha Soomaaliya in ay wajahayaan baahiyo cunto. Wuxuu sheegay ku dhowaad 6 milyan in ay u baahan yihiin gargaarka bani'aadamnimo.

Hadalka James Swan ayaa kusoo aadaya xilli maalinta berri ah lagu wado in Muqdisho uu ka dhaco shirka wadatashiga qaran oo looga arrinsanayo dhameystirka doorashooyinka.

Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in ay shirkooda ku dagsadaan jadwal cusub oo doorashada ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
6/25/2021 6:33 PM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Derek Chauvin, oo ah sarkaalkii George Floyd ku dilay wado kamid ah magaalada Minneapolis sanadkii lasoo dhaafay, ayaa maanta lagu xukumay 22 sano iyo bar xabsi ah.

6/25/2021 12:55 PM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta galinkii dambe gaaray magaalada Muqdisho.

6/25/2021 7:35 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw lagu dilay askari ka tirsanaa Booliiska Saldhiga degmada Yaaqshiid.

6/25/2021 4:58 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Wafdigan ka socday Wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga oo uu hoggaaminayaay Dr Cevdet Erdol ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

6/25/2021 4:32 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay soo badbaadisay 300 oo dhalinyaro Kenyan ah oo ay Alshabaab u qorteen, si ay tababaro ugu siiyaan gudaha Soomaaliya.

6/25/2021 4:30 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Militariga dowladda Itoobiya ayaa beeniyay iney duqeyn dhinaca cirka aha aay ku dileen dad ku sugnaa Suuq weyn oo ku yaala gobolka Tigray, islamarkaana sheegay iney bartilmaameedsadeen dagaalayahanada Mucaaradka oo dhar shacab ah xirnaa.