10/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 25, 2021
Kenya oo sheegtay in ay soo badbaadisay 300 dhalinyaro ah oo Alshabab ka qorteen dalkeeda
 

Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay soo badbaadisay 300 oo dhalinyaro Kenyan ah oo ay Alshabaab u qorteen, si ay tababaro ugu siiyaan gudaha Soomaaliya.

Warkan oo ay baahiyeen warbaahinta gudaha Kenya ayaa sheegaya in dhalinyaradan oo laga kaxaystay gudaha Kenya, ay Alshabab doonaysay in u adeegsato weerarada ay gudaha Kenya.

Ciidamada Mareykanka ayaa Kenya hadda kala shaqeynaya la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Maraykanka ayaa dhowaan qorsheynaya inuu ciidamo gaar ah usoo diro Kenya si ay ciidamada Kenya ugu tababaraan dagaalada ka dhanka ah waxa loogu yeero Argigixisada.

Gobolka waqooyi Bari iyo gobolada kale xeebta kuyaala ee Kenya ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee Alshabaab ay ka qortaan dhalinyarada, iyagoo u balanqaada in ay shaqooyin siinayaan.

Hay’addaha ammaanka Kenya ayaa dad badan u xiray in ay Alshabaab kala shaqeeyaan askaraynta dhalinyarada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
6/25/2021 6:33 PM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Derek Chauvin, oo ah sarkaalkii George Floyd ku dilay wado kamid ah magaalada Minneapolis sanadkii lasoo dhaafay, ayaa maanta lagu xukumay 22 sano iyo bar xabsi ah.

6/25/2021 12:55 PM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta galinkii dambe gaaray magaalada Muqdisho.

6/25/2021 7:35 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw lagu dilay askari ka tirsanaa Booliiska Saldhiga degmada Yaaqshiid.

6/25/2021 5:08 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Sooomaaliya ayaa sheegay dhameystirka howlaha doorashada waqtigii loogu talagay in ay tahay mid muhiim ah.

6/25/2021 4:58 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Wafdigan ka socday Wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga oo uu hoggaaminayaay Dr Cevdet Erdol ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

6/25/2021 4:30 AM EST
Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Militariga dowladda Itoobiya ayaa beeniyay iney duqeyn dhinaca cirka aha aay ku dileen dad ku sugnaa Suuq weyn oo ku yaala gobolka Tigray, islamarkaana sheegay iney bartilmaameedsadeen dagaalayahanada Mucaaradka oo dhar shacab ah xirnaa.