4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 25, 2021
Dowladda Itoobiya oo beenisay iney duqeyn ku dhisay dad shacab ah
 

Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Militariga dowladda Itoobiya ayaa beeniyay iney duqeyn dhinaca cirka aha aay ku dileen dad ku sugnaa Suuq weyn oo ku yaala gobolka Tigray, islamarkaana sheegay iney bartilmaameedsadeen dagaalayahanada Mucaaradka oo dhar shacab ah xirnaa.

Afhayeenka ciidamada difaaca qaranka Itoobiya Kornel Getnet Adane ayaa warbaahinta u sheegay ineysan jirin dad shacab ah oo duqeyn lagu dilay, balse uu sheegay iney dileen dagaalyahano uu sheegay iney ku sugnayeen magaalada lagu magacaabo Togoga kuwaas oo uu sheegay iney xirnayeen dharka shacab.

Maalintii Talaadada ayay aheyd markii la sheegay duqeymo dhinaca cirka ah oo aay geysteen diyaaradaha dowlada Itoobiya iney ku dhinteen ugu yaraan 43 ruux oo ku sugnaa goob Suuq ah, sida aay sheegeen Saraakiil ka tirsan dhaqaatiirta Caafimaadka.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta cirka ah lala beegsaday Suuq weyn oo ku yaala Galbeedka magaalada Mekelle ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Duqeyntan ayaa imaaneysa xili la sheegay iney dib usoo cusboonadeen dagaaladii u dhaxeeyay Militariga dalka Itoobiya iyo Falaagada TPLF.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]