4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 24, 2021
Dekeda Berbera oo maanta si rasmi ah loo furay


Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Wajiga koobaad ee dhismaha dekeda Berbera, oo ay hirgalisay shirkada DP World, ayaa maanta si rasmi ah loo furay.

Dhismaha wajiga koobaad  ee dekeda Berbera, ayaa ka kooban 400M oo isku wareeg ah, waxana hada uu qaadi karaa 1 milyan oo koontinar sanadkii.

"Sanad kii dekedu waxay qaadi kartaa 1 milyan oo koontiner hada kadib" waxa sida yidhi Siciid Xasan Cabdilahi, mareeyaha dekeda Berbera.

"Waxanu rajaynaynaa in maraakiibta waa wayni ay hada kuso xidhan karaan" ayuu hadalkiisa ku daray.
Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa mashruuca dekeda ku tilmamay in ay Somaliland ka dhigi karto xarun ganacsi.

"Maanta waa cusub ayaa baryay Somaliland, iyo geeska Afrikaba, riyadeenu waa in aynu abuurno Singapore ta Afrika" ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirka gaadiidka ee dalka Itoobiya Degmawit Moges, ayaa aaminsan in dhismaha dekeda Berbera uu abuuri doono is dhexgal ganacsi.

"Waxay kor u qaadi doonta isdhex galka ganacsiga ee gobolka, waxana loobahanyahay mashaariic badan oo noocan oo kale ah" ayay tidhi.

Wasiirka maaliyada ee Itoobiya Axmed Shide ayaa sheegay in dhismaha dekedu doorwayn ka ciyaari doono horumarka Somaliland.

"Waxan idinleeyahay hambalyo waa maalgashi taariikhi ah, mashruucani horumarka Somaliland wayn ayuu ka qaadanayaa" ayuu yidhi wasiir Shide.

Maamulaha shirkada DP World Sultan Ahmed Binu Sulayman, ayaa sheegay in mar hadii dekedi la dhisay uu ganacsiguna iska bilaabmi doono.

"Mar hadi dekedi la dhisay ganacsiguna wuu imanayaa, halku dhagayagu waxa weeyi dhis dadkuna way imane" ayuu yidhi.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay in dhismaha marsada Berbera ay wax wayn u soo kordhindoonto deegaankiisa.

"Ka deegaanka Soomaali ahaan, waa wax usoo kordhay, waxad muujiseen in Soomaalidu tahay dad xadaarad leh oo is maamuli kara" ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dhismaha dekedu, Somaliland u horseedi karo in ay hogaamiso ganacsiga.

"Maanta waa maalin taariikh u ah Somaliland iyo geeska Afrikaba, furitaankani waxay Somaliland ka dhigaysa dal hogaamiya ganacsiga" ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha dekedu usoo kordhiyay masuuliyad ganacsi oo horleh.

"Waxa inoo farxad ah in anynu furnay dekeda, laakiin waxa ina fuulay masuuliyad wayn oo ah in aynu u adeegno ugu horayn dowlad deegaanka Somalida, Itoobiya iyo geeskaba" ayuu yidhi.

Madaxweynaha iyo wufuudi caalamiga ahayd ee xaflada furitaanka kasoo qayb gashay ayaa siwada jir ah u yeedhiyay firimbiga furitaanka dekeda.

Dekeda ayaa laga dajiyay koontinarkii ugu horeeyay oo loo qaaday Addis ababa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]