10/18/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 13, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Kenya xor u tahay inay dib u furato safaaradeedii Muqdisho
 

Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay dib u furan karto safaaraddeedii Muqdisho ayna dibloomaasiyiinteeda dib u bilaabi karaan howlahooda, taasoo ugu dambeyn soo afjari karta khilaafka labada dal.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa laba maalin ka dib markii Kenya ay dib u fasaxday duulimaadyada Soomaaliya.

Qoraal loo diray dowladda Kenya Sabtidii ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay markii labaad muddo bil gudaheed ay caadi ka dhigtay  xiriirka ay la leedahay Kenya, taasoo soo afjaraysa lix bilood oo khilaaf diblomaasiyadeed uu ka dhex jiray labada dal.

“Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya inay dib u furto howlaheeda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana waxay fureysaa safaaraddeedii Kenya,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ay heshay warbaahinta Kenya laga leeyahay ee Nation Africa.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ay bilow wanaagsan u noqon doonto wadahadalada labada dal u dhexeeya.

Labada dal ayaa khilaaf ka dhexeeyay tan iyo bishii Diseembar ee sanadkii hore markii Muqdisho si lama filaan ah xiriirka ugu jareen Kenya, iyagoo ku eedeeyay faragelin joogto ah oo ka dhan ah arrimaha gudaha Soomaaliya.
   
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
6/13/2021 1:49 PM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo maanta shir jaraa'id ku qabtay gudaha magaalada Baledweyne ayaa si faahfaahsan uga hadlay kulan la sheegay inuu dhexmaray isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

6/13/2021 1:42 PM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Mayarka caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa kursiga mayarka Hargaysa oo uu marlabaad u ordayay uga tanaasulay xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge.

6/13/2021 1:28 PM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo wehlinayeen madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa kulan kula qaatay maanta gudaha magaalada Muqdisho Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

6/13/2021 9:22 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah oo Mareykan ah loo dirayo Kenya si ay gacan uga geystaan dadaallada ka dhanka ah Alshabab.

6/13/2021 8:18 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka dalka ee uu dhawaan magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada arrimaha doorashooyinka.

6/13/2021 7:13 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL)- Maxkamada sarre ee Somaliland oo dhawaan loo gudbiyay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada, ayaa soo saartay jadwalka ansixinta golayaasha deegaaka cusub. Warbixinta ay soo saartay maxkamada sarre ayaa u dhignayd sidan:- Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online [email protected]

6/13/2021 6:41 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Duulimaadyadii diyaradaha Soomaaliya iyo Kenya aay si toos ah u bilaawday maantay oo Axad ah kadib markii aay hakad ku jireen muddo bil ah.

6/13/2021 5:22 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo saacadahii lasoo dhaafay ciidamada Militariga Soomaaliya ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

6/13/2021 1:48 AM EST
Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiir ku xigeenkii Amniga maamulka Hirshabeelle Xasan Maxamed Cilmi.