4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay doorashada mayorada magaalooyinka iyo shirgudoonka wakiilada
 

Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu qorshaynayo in si xanaf la’aan ah ay doorashada mayorada iyo shirgudoonka wakiiladu kusoo dhamaato.

Madaxweynaha oo kulan mahad celin ah la qaatay guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in uu ku rajo wayn yahay in doorashada shirgudoonka wakiilada iyo mayarada magaalooyinku ay sifiican u dhici doonto.

“Shacabka waxan ugu bishaaraynayaa sidaan ku talo galay, doorashooyinka mayarada iyo shirgudoonka wakiiladu ay ku dhamaan doonaan nabad” ayuu yidhi.

“Walaal adigu qaado iyo walaal adigu qaado ayaan ku shaqaynayaa in aynu helno iyadana”.

“Xisbiyadana sidaas ayaan usoo jeedinayaa, waanay u dhawdahay ilaa hadana wax khilaafaad ah oo xisbiyo iska horkeena manaan arag, si qabow oo aan tartan abuurin ayaynu u dhamayn doona” ayuu hadalkiisa ku daray.

Qaar kamida musharixiintii kusoo baxay doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanka ayaa loolan ugu jira doorashooyinka shirgudoonka wakiilada iyo mayarada magaalooyinka.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]