4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2021
Puntland oo xayiraadii ka qaaday lacagaha dabaneysan ee sintiyada dollarka
 

Sabti, Juun, 12, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta ku dhawaqday in la qaaday xayiraadii lagusoo rogay addeega lacagaha danabaysan ee sintiyada dollarka ee ay bixiyaan shirkaddaha isgaarsiinta ee ka howlgalla deegaanadeeda.

Go’aankaan ayaa ka dambeeyay kadib markii dadweynuhu walaac xooggan ka muujiyeen go’aankan oo markii hore qorshaha laga lahaa uu ahaa in lagu socod siiyo isticmaalka shilin Soomaaliga.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland, Cabdi Ibraahim Warsame (qowdhan) oo shir jaraa'id ku qabtay Garowe ayaa sheegay sababta loo qaaday xayiraada in ay tahay in lagu guulaystay in %70 la xareeyay lacagihii shilin Soomaaliga ee suuqa ku jiray.

Wasiirku wuxuu sheegay in hadda la isku miisaamay lacagaha dollarka iyo lacagaha shilin Soomaaliga ee suuqa yaal.

Waa markii labaad oo Puntland ka laabato xayiraad ay kusoo rogtay lacagaha danabaysan ee sintiyada dollarka muddo dhowr billood gudaheed, waxaana dadka qaarkood ay u sababeeyeen in ay shaqeyn waayeen isbedelkii laga filayay awaamiirtaan.

Go’aanadan waxay aad u saameeyeen dadka danyarta ah oo aad u isticmaali jiray lacagaha jajabka dollarka, waxaana ka dhashay sicir barar xooggan oo ku yimid qiimaha maciishada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online