4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 8 , 2021
Taliyahii qeybta Booliiska gobolka Sh/hoose oo Muqdisho ku geeriyooday
 

Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyahii ciidamada Booliiska qeybta gobolka Sh/hoose ee maamulka Koofur Galbeed Gaashaanle sare Muuse Cabduqaadir.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyahii qeybta Booliiska Sh/hoose uu u geeriyooday xanuun hayay malmahii dambe.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa shaqi  firfircoon oo afgaaban kana adkaa shaqadiisa, islamrkaana kasoo shaqeeyay hoggaanada ciidanka Booliiska Soonaaliyeed.

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyay qoyskii iyo qaraabadii iyo waliba shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid allah u naxariiste marxuum Muuse Cabdiqaadir.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]