4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo dib ula wareegay degmada Bacaadweyn iyo deegaano kale
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa amniga Galmudug oo hawlgal qorshaysan qaaday saakay ayaa gacanta ku dhigay magaalada Bacaadweyn, tuulada Qaycad, Sabeena gawrac iyo deegaano kale.

Deegaanadan ayaa waxaa horey u haystay ururka Alshabaab oo dhawaan si nabad galyo ah kula wareegay gacan ku hayntooda.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug, ayaa lagu sheegay in Kooxda Alshabaab ay ka firxadeen deegaanadii ay ku sugnaayeen, islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu dhigeen ciidamada iskaashanaya.

Wasaaradda amnigu waxay sheegtay in shacabka deegaanadaas laga qabtay Alshabaab, ay si weyn u soo dhoweeyeen Ciidamada Qalabka sida iyo guusha ay ka soo hooyeen hawlgalkii saakay.

Galmudug waxay sheegtay in ay ka go’an tahay in Shabaab laga sifeeyo guud ahaan deegaaanada Galmudug, hawlgalka bilowdayna uu qeyb ka yahay arrintaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online