10/18/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 5 , 2021
Dab khasaaro nafeed gaystay oo ka kacay xaafad ka tirsan Hargaysa


Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL)- 2 caruura ayaa ku nafwayay kadib markii uu dab ka kacay guri kuyaala xaafada laynka booliiska, ee magaalada Hargaysa.

Guriga dabku qabsaday oo meel cidhiidhi ah ku yaalay darteed ciidanka dab-demiska, ayaa ku guuldaraystay in ay bad baadiyaan caruurta.

"Meeshu waa isku raran, meel aanu soo marno ayaanu waynay" taliyaha  ciidanka dab-demiska Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa sidaa yidhi.

Taliye Sawaaxili ayaa sheegay in 2 caruur ahi dabka ku nafwaayeen isla markana la baadhayo sababta dabka dhalisay.

"Khasaaruhu waa laba caruura oo dhintay, sababta dabka keentayna booliiska ayaa baadhaya" ayuu yidhi Sawaaxili.

Caruurta geeriyootay ayaa waxa dhalay askari booliis ah oo xiliga masiibadu dhacaysay hawlgal ku maqnaa.

Mayorka caasimada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in ka dowlad hoose ahaan ay garab istaagayaan qoyska dhibatadu ku dhacday.

"Waanu usoo jeedayna doorkayagana waanu qaadanayna dowlad hoose ahaan" ayuu yidhi mayor Mooge.

"Askariga shaqada qaranka ku maqana qaran kiisu wuu garab istaagaya, waanu la murugoonaynaa" ayuu hadalkiisa ku daray mayor Mooge.

Labada caruura ayaa mayd kooda loo qaaday isbitaalka wayn ee Hargaysa oo lagu hayn doono inta laga aasayo.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/5/2021 2:56 PM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Ciidamada ilaallada jaamacada Camuud ee magaalada Boorama, ayaa wiil dhalinyaro ah oo arday ah toogtay.

7/5/2021 1:51 PM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay kusoo dhoweynayso natiijada kasoo baxday shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Juunyo, ee laga soo saaray go’aano ka mid yihiin jadwal cusub oo doorasho.

7/5/2021 12:08 PM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Puntland ayaa kasoo horjeesatay in hay’adda batroolka Soomaaliya ee Somali Petroleum Authority”, ay gasho heshiisyo caalami ah oo ku saabsan arrimaha shati bixinta shidaalka Soomaaliya.

7/5/2021 8:49 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

7/5/2021 8:22 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa bilowday dhegaysiga maxkamadaynta 7 nin oo dhalinyaro oo lagu eedeeyay in ay yihiin shabakad katirsan Alshabaab oo ka howlgali jiray koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

7/5/2021 5:11 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Koomiishanka xuquuqal insaanka Somaliland, ayaa ku baaqay in si dhakhso ah looso gaba gabeeyo dacwada 8 hablood oo Berbera ugu xidhan in ay calanka Soomaaliya ku labisteen.

7/5/2021 4:34 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Bootaan Saruurow, ayaa Meydkiisa laga helay meel aan ka fogeeyn Magaalada Brits ee Gobalka North West, ee dalka Koonfur Afrika sida ay Booliska gobalka xaqiijiyeen.

7/5/2021 2:19 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisad dagaal oo ka taagan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle oo dhinac ah iyo ciidamada labaxay golaha Kacdoonka Hiiraan.

7/5/2021 2:14 AM EST
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay deegaanka Darusalaam oo ka mid ah deegnada hoostaga degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ka sameeyay howlgal ka dhan Al-shabaab oo la sheegay in lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Shabaab.