4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Barlamaanka Puntland oo wax ka bedel ku sameeyay tirada codadka guddoomiyaha barlamaanka xilka looga qaadi karo
 

Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa maanta meel mariyay xeer oggolaanaya in guddoomiyaha barlamaanka Puntland xasaanada looga qaadi karo 44 cod, iyagoo meesha ka saaray xeerkii hore oo sheegayay in 34 cod xilka looga qaadi karo.

Tani waxay ka dhigan tahay in madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha barlamaanka ay ka siman yihiijn codadka ay xilalkooda ku waayi karaan haddii mooshin lagasoo gudbiyo.

Codadkan waxay u dhigan yihiin labo meelood oo kamid ah tirada xildhibaanada barlamaanka Puntland oo ah 66 mudane.

Waa markii ugu horaysay oo barlamaanka uu wax ka bedel ku sameeyo xeerka awoodaha guddoonka barlamaanka. Waxaa la aaminsan yahay in uu xeerkaan adkayndoono in guddoomiyaha barlamaanka si fudud xilka looga qaado sida horey u dhacday.

Tan iyo markii la aas aasay maamul goboleedka Puntland, Inta badan guddoomiyayaashii barlamaanada ee soo maray waxay la kulmeen mooshin xilka looga qaadayay, iyadoo loo aaneenayay inuu ka yimid dhinaca madaxweynaha markaas joogay.

Waxaa ugu dambeeyay guddoomiyihii barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-daareed, kaasoo todobadii bishii November ee sanadkii 2019 xilka looga qaaday mooshin lagasoo abaabulay madaxtooyada Puntland, sida uu isagu sheegay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online