4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 31, 2021
Dad ku dhintay dab ka kacay xaafad Hargaysa kamid ah
 

Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - 2 caruur ah ayaa dhintay kadib markii uu dab qabsaday gurigooda oo ku yaala xaafada Daami ee caasimada Somaliland ee Hargaysa, waxaana lagu guulaystay in dabka laga bad baadiyo qoyska intii kale.

Sida ay dad goob joogayaal ahi sheegeen dabka oo aan wali la garanayn sababta dhabta ah ee dhalisay, ayaa ka kacay geed Baxarsaaf ah, oo ku yaala agagaarka guriga gubtay, kadibna dabka ayaa gaadhay guriga caruurtu joogtay oo ku dhawaa.

"Dabku hoosta kamuu dhalan, dabku korka ayuu ka dhashay, geedkaa Baxarsaafka ah ayuu ka dhashay, kadibna markii lasoo yaacay ee la is yidhi bakhtiiya xadhkihii laydhka oo ololaya ayaa labada guri isku talaabiyay" sida waxa tidhi gabadh goob jooge ah.

Dad wayne kusoo xoomay goobta ay gubashadu ka dhacday, ayaa dhagax la boobay baabuurta ciidanka dab-damiska oo kasoo daahay bad baadinta caruurta geeriyootay madaama oo sida la sheegay ay wadadu xidhnayd mashquulka baabuurta darteed.

Waxa goobta ay dhacdadani ka dhacday soo gaadhay xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo degen meel aan ka fogayn guriga gubtay, saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani iyo boqorka beelaha Gabooye, oo xaalada dajiyay isla markaana tacsi u diray qoyska caruurtu ka dhimatay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online