4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 3 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si kulul u Cambaareeyay qaraxii Ismiidaaminta ee Muqdisho ka dhacay
 

Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay qarax Ismiidaamin ahaa oo xalay maqribkii ka dhacay goob Maqaaxi ah oo Shaaha lagu cabo kasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa Ismiidaaminta ahaa waxaa waxaa fuliyay ruux naftii hure ah oo isku soo rakibay waxyaabaha qarxa kaasoo la dhexgalay dad farabadan oo Maqaaxida fadhiyay, waxaana la sheegay iney ku dhinteen dad gaaraya ilaa 5 ruux tiro intaasi ka badana aay ku dhaawacmee.

Rayal wasaare Rooble ayaa sheegay in Al-shabaab qaraxa aay ku dileen dad aan waxba galabsan, waxuunq u tacsitadeeyay dadkii halkaasi ku geeriyooday.

"Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Alshabaab galabta ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada" ayuu yiri Raysal Wasaare Rooble.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo uu ku dilay in ka badan 10 dhalinyaro ah oo dooneysay iney ku biiraan ciidamada dowladda, kaasoo ka dhacay xerada tababarada Janeraal dhagabadan ee magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]