12/5/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay mukhaadaraadkii ugu badnaa


Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka booliiska Somaliland sareeye guuto Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in ciidanka booliisku gacanta ku dhigeen 470 mijood oo Xashiishad ah.

Taliye Dabagale ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo saraakiil xukuumada ka tirsan oo booqasho ugu tagay ciidanka warbixin ka siiyay Xashiishadii ugu badnayd ee abid ciidanka booliisku gacanta ku dhigo.

"Waanu jiboono howsheeni dhiiri galinta ahayd ee aanu wadnay uun baanu is nidhi madaama oo aad Xashiishadi ugu badnayd oo 470 mijood ah aanu xalay qabateen bal madaxweynuhuna ciidanka wixii talo iyo tusaale ah ha siiyo" ayuu yidhi Dabagale.

"Madaxweyne ciidamada Somaliland ee booliisku meelkasta oo ay joogaan, tuulo kasta iyo gobolkasta shaqooyinkooda caadiga ahaa iyagoo haysta, waxay diyaar u yihiin qorshahan dabargoynta maandooriyaha kala duwan in ay qayb ka qaataan, oo habeenkii Xashiishada halka taala iyo in lamida ayay soo qabtaan" ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa ciidanka booliiska Somaliland ku bogaadiyay shaqada la dagaalanka maandooriyaha ee ay ku howlanyihiin, waxaanu madaxweynuhu ka waramay muhiimada ciidanka booliiska iyo shada adag ee uu qabto.

"Umadiinu way ogtahay shaqada aad qaranka u haysaan, ninka 10 sano booliiska ka shaqeeyaa wuxu lamid yahay nin 40 sano shaqeeyay, madaama anay saacad qudha maskaxdiisa shaqo ka baxayn, xataa haduu gurigiisa joogo dareen baa ku taagan" ayuu yidhi madaxweynuhu.

Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa ku howlan la dagaalanka maandooriyaha kala duwan ee laga keeno waddamada jaarka oo Somaliland oo uu sharci daro kayahay lagu soo galiyo si tuugo ah.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/29/2021 5:17 PM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo u jawaabayay madaxda axsaabta mucaaradka ah, ayaa hadalka madaxda mucaaradka ku tilmaamay ceebayn iyo magac dil ay ku samaynayaan doorashadii dhacday.

7/29/2021 10:43 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxammed, ayaa sheegay in kadib baadhitaan ay sameeyeen xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya ay ku ogaadeen in anay waxba ka jirin cabashada xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi.

7/29/2021 9:24 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay baadhis ku samayso arrinta xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi, oo sheegay in xukuumada Somaliland ku afduubi gaadhay gudaha dalka Itoobiya.

7/29/2021 8:32 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Madaxda isbahaysiga mucaaradka Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inuu iibsanayo xildhibaanada mucaaradka isla markaana uu dacwaynayo iyo xildhibaanada muxaafadka ee taageera mucaaradka.

7/29/2021 7:56 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa guul weyn oo ay gaareen ku tilmaamay in ay Soomaaliya ka saareen hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee muddada dheer soo jiitamaysay.

7/29/2021 7:55 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboobay doorashada afar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare ku matalaya maamulka Jubbaland.

7/29/2021 7:01 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose si rasmi ah uga bilaawday doorashada qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya Jubbaland, iyadoona la doortay Senatarkii ugu horeeyay ee Aqalka Sare.

7/29/2021 4:14 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Puntland ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dirirta labo maleyshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaannada Sanjabshe iyo aaga Saax-maygaag ee degmada Boocame ee gobolka Sool.

7/29/2021 3:58 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya, general Robert Kibochi ayaa sheegay ciidamada Kenya in aysan ka bixi doonin Soomaaliya waqti dhow.

7/29/2021 3:45 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay howlagalo qorsheysan oo ay sheegeen in ciidamada dowladda ka sameyeen deegaanka lagu magacaabo Afcad oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

7/29/2021 2:06 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qeybta deegaan doorashadooda tahay Jubbaland.