3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Xildhibaankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Aqalka Sare ku matalaya Jubbaland oo goordhaw lagu doortay Kismaayo
 

Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose si rasmi ah uga bilaawday doorashada qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya  Jubbaland, iyadoona la doortay Senatarkii ugu horeeyay ee Aqalka Sare.

Goobta doorashada ka dhaceyso waxaa ku wada sugan Xildhibaanada golaha Wakiilada Jubbaland guddiga doorashada heer Federaal, kan Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka iyo waliba masuuliyiin kale.

Senatarkii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Aqalka Sare waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ah Ilyaas Badal Gaboose iyo Maxamed Axmed Sayid, waxaana ku guuleystay kursigaas Ilyaas Badal Gaboose oo helay 55 cod halka Maxamed Axmes Sayid uu isna helay 17 cod hal codna waxa la sheegay inuu halaabay, waxaana xusid mudan Sharmaake Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa Musharaxiinta kursigaas inuusan ka qeyb galin tartanka doorashadaas.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursugii ugu horeeyay ee Xildhibaanada Aqalka Sare ku matalaya maamulka Jubbaland inuu ku guuleystay Ilyaas Gaboose oo ay u codeeyeen 73 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland.

Doorashada ayaa weli sii socota, waxaana jira xubno loo saadaalinayo inay kusoo baxaan doorashada Aqalka sare ee ka socota Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/29/2021 5:17 PM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo u jawaabayay madaxda axsaabta mucaaradka ah, ayaa hadalka madaxda mucaaradka ku tilmaamay ceebayn iyo magac dil ay ku samaynayaan doorashadii dhacday.

7/29/2021 10:43 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxammed, ayaa sheegay in kadib baadhitaan ay sameeyeen xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya ay ku ogaadeen in anay waxba ka jirin cabashada xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi.

7/29/2021 9:24 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay baadhis ku samayso arrinta xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi, oo sheegay in xukuumada Somaliland ku afduubi gaadhay gudaha dalka Itoobiya.

7/29/2021 8:32 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Madaxda isbahaysiga mucaaradka Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inuu iibsanayo xildhibaanada mucaaradka isla markaana uu dacwaynayo iyo xildhibaanada muxaafadka ee taageera mucaaradka.

7/29/2021 7:56 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa guul weyn oo ay gaareen ku tilmaamay in ay Soomaaliya ka saareen hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee muddada dheer soo jiitamaysay.

7/29/2021 7:55 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboobay doorashada afar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare ku matalaya maamulka Jubbaland.

7/29/2021 7:18 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka booliiska Somaliland sareeye guuto Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in ciidanka booliisku gacanta ku dhigeen 470 mijood oo Xashiishad ah.

7/29/2021 4:14 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Puntland ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dirirta labo maleyshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaannada Sanjabshe iyo aaga Saax-maygaag ee degmada Boocame ee gobolka Sool.

7/29/2021 3:58 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya, general Robert Kibochi ayaa sheegay ciidamada Kenya in aysan ka bixi doonin Soomaaliya waqti dhow.

7/29/2021 3:45 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay howlagalo qorsheysan oo ay sheegeen in ciidamada dowladda ka sameyeen deegaanka lagu magacaabo Afcad oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

7/29/2021 2:06 AM EST
Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qeybta deegaan doorashadooda tahay Jubbaland.