5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Bandhiga buuga Hawaale Warran oo lagu qabtay magaalada Hargaysa


Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Waxa hotelka Maansoor ee magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay buuga Hawaale Warran oo uu qoray abwaan Maxammed Ibraahin Warsame (Hadraawi).

Abwaanka ayaa buugan kaga sheekaynaya noloshiisa, taariikhda Soomaalida gumaystihi kahor, kadib, dowladi kacaanka, burburkii iyo mustaqbalka.

Inkasta oo uu Hadraawi xanuunsana oo aanu xaflada iman hadana waxa soo buux dhaafiyay kumanaan qof oo ku koray dhagaysiga suugaanta qarniga ah ee abwaanka.

Waxa kale oo goobta joogay saraakiil xukuumada Somaliland ka tirsan, madaxda mucaaradka, bulshada rayid ka ah, dhaqan yaqaano iyo saaxiibadii qadiimiga ahaa ee Hadraawi.

"Maxammed Ibraahin Warsame macalin joogto ah ayuu aha, la socodkiisa ayaad wax ka baranaysay" sida waxa Hadraawi ku sifeeyey qoraaga caan ka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale oo ay saaxiibo dhaw yihiin abwaanka.

Pro: Xuseen Bulxan oo abwaanka aqoon gaara uleh, ayaa isna sheegay in Hadraawi uu ka tagayo dhaxal ma guurto ah.

"Hadraawi waxa uu inoo qabtay inaga iyo jiilasha soo socda lama tirin karo" ayuu yidhi.

Bulxan ayaa dhinaca kale sheegay in Hadraawi uu aha macalin nololeed oo dhaqanka iyo hidaha Soomaalidu kuwayn yahay.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa sifeeyay waxtarka iyo wax qabadkii Hadraawi.

"Hadraawi wuxuu aha macalin, wuxu ahaa abwaan, wuxuu aha halgamaa" ayuu yidhi.

"Hadraawi wuxuu aha samafale, anigoo safaaradii Moscow jooga ayuu ila soo hadlay si nin mujaahid aha aan dhakhtar u geeyo" ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxammed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Hadraawi uu ahaa abwaan aan ku bakhayli jirin in uu sheego libta suuganyahanka kale.

"Had iyo jeer suugaanyahanku way tartamaan, nin Hadraawi bakhayl kama aha in uu qiro raga suuganyahan ka ah" ayuu yidhi.

"Waxa ka markhaati ah, raga ugu badan ee uu ku halqabsado Duncarbeed baa kamida, wuxu ku halqabsada Xasan Ganay.." ayuu hadalkisa ku daray.

Xaflada bandhiga buuga ayaa sidookale waxa lagu soo bandhigay sugaan kala duwan oo uu abwaanku curiyay.

Hadraawi ayaa ah mid kamida suugaan yahanada ugu waa wayn ee taariikhda casriga ah ee Soomaalida

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraanonline















Click here
7/17/2021 9:14 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo isbahaysiga xildhibaanada UCID iyo Kulmiye u sharaxeen jagada shirgudoonka wakiilada Somaliland, ayaa balan qaaday in uu sinaan ku hogaamin doono golaha.

7/17/2021 7:47 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa waraysi uu MM TV siiyay ku sheegay in xisbiga UCID aanu ka qaadi karin xubinimada xisbiga.

7/17/2021 7:36 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble in aanu masuuliyad iska saarin xallinta khilaafka ka taagan doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland.

7/17/2021 7:26 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Gudiga maamulaysa tartanka gabayada oo maalmihii la soo dhaafay ka socdey magaalada Buuhoodle ayaa lagu dhawaaqay sedexda xubnood ee ku guulaystey kaalmaha u horeeya.

7/17/2021 7:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Xisbiga UCID ayaa xubinimadii iyo xilkiiba ka qaaday Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID kadib markii isaga iyo xildhibaanu uu hogaaminaya isbahaysi la samaysten xisbiga Kulmiye.

7/17/2021 6:48 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Inta la ogyahay 9 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga UCID, ayaa isbahaysi siyaasadeed kula midoobay xisbiga Kulmiye.

7/17/2021 6:45 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Shan muwaadin oo Soomaali ah oo loo haystay burcad badeednimo ayaa Jimcihii shalay la siidaayay kadib markii maxkamada sare ee Seychelles ay ogaatay in aysan jirin cadeyn ku filan oo ay ku taageerto eedaha loo soo jeediyay.

7/17/2021 6:34 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Guddoonka Golaha wakiilada Dowladda Jubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubbaland.

7/17/2021 1:33 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in suuragal tahay iney ciidamo u diraan dowladda dhexe ee dalka si ay uga qeyb qaataan dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Falaagada TPLF.

7/17/2021 1:28 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose.

7/17/2021 1:25 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Jadwalka hanaanka doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ay soo saareen guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT.