5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duuleedka degmada Janaale
 

Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose.

Tuulooyinka howlgalada sida gaarka ah looga fuliyay ayaa waxaa ka mid ah Busleey iyo Ugunji, halkaas oo uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen 7 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ay Shabaab kaga soo furteen hub iyo saanad ciidan, islamarkaana jab xoogan gaarsiyeen Shabaabkii ku sugnaa tuulooyinka Busleey iyo Ugunji ee hoos yimaada degmada Janaale.

Gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe waxaa mudooyinkii dambe ka jiray howlgalo culus oo aay ciidamada dowladda Soomaaliya kula dagaalamayaan dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/17/2021 9:14 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo isbahaysiga xildhibaanada UCID iyo Kulmiye u sharaxeen jagada shirgudoonka wakiilada Somaliland, ayaa balan qaaday in uu sinaan ku hogaamin doono golaha.

7/17/2021 7:47 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa waraysi uu MM TV siiyay ku sheegay in xisbiga UCID aanu ka qaadi karin xubinimada xisbiga.

7/17/2021 7:36 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble in aanu masuuliyad iska saarin xallinta khilaafka ka taagan doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland.

7/17/2021 7:26 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Gudiga maamulaysa tartanka gabayada oo maalmihii la soo dhaafay ka socdey magaalada Buuhoodle ayaa lagu dhawaaqay sedexda xubnood ee ku guulaystey kaalmaha u horeeya.

7/17/2021 7:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Xisbiga UCID ayaa xubinimadii iyo xilkiiba ka qaaday Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID kadib markii isaga iyo xildhibaanu uu hogaaminaya isbahaysi la samaysten xisbiga Kulmiye.

7/17/2021 6:48 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Inta la ogyahay 9 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga UCID, ayaa isbahaysi siyaasadeed kula midoobay xisbiga Kulmiye.

7/17/2021 6:45 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Shan muwaadin oo Soomaali ah oo loo haystay burcad badeednimo ayaa Jimcihii shalay la siidaayay kadib markii maxkamada sare ee Seychelles ay ogaatay in aysan jirin cadeyn ku filan oo ay ku taageerto eedaha loo soo jeediyay.

7/17/2021 6:43 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Waxa hotelka Maansoor ee magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay buuga Hawaale Warran oo uu qoray abwaan Maxammed Ibraahin Warsame (Hadraawi).

7/17/2021 6:34 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Guddoonka Golaha wakiilada Dowladda Jubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubbaland.

7/17/2021 1:33 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in suuragal tahay iney ciidamo u diraan dowladda dhexe ee dalka si ay uga qeyb qaataan dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Falaagada TPLF.

7/17/2021 1:25 AM EST
Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Jadwalka hanaanka doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ay soo saareen guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT.