4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 10, 2021
Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa daqiiqado yar kahor  ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la sheegay in lala bartilmaameedsanayay Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegaya inuu qaraxa geystay, waxaan goobta si deg deg ah u gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo xiray agagaarka goobta qaraxa ka dhacay.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]