4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay 13ka Kursi gobolka Banaadir ee Aqalka Sare

 

Khamiis, Janaayo, 28, 2021 (HOL) -Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Xukuumadda in ay xeeriyaan habraac u gaar ah matalaadda Gobolka Banaadir oo ay ka muuqato isku dheelitirnaan bulshada Soomaaliyeed, iyada oo qaddarin gaar ah laga siinayo deegaanka Caasimadda lana fulinayo inta lagu guda jiro doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad.

Tallaabada uu madaxweynaha ku saxiixay kuraasta matallaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayeey dad badani  u arkayaan mid sii fogeyn karta muranka markii horeba ka taagnaa doorashooyinka dalka, madaama horay tallaabadan ay u diideen madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ka soo horjeestay in gobolka Banaadir kuraas u gaar ah ku yeesho Aqalka Sare, 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]