4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 4 , 2021
Golaha midowga musharrixiinta oo sheegay in siddeeda Febraayo looga gudbi karo heshiis la isla oggol yahay
 

Khamiis, Feberaayo, 04, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in siddeeda Febraayo kaliya looga gudbi karo heshiis siyaasadeed oo wadar oggol.

Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha midowga musharrixiinta ayaa lagu sheegay in heshiis kasoo baxa shirka Dhuusomareeb uu noqon karo hannaanka ugu haboon ee looga gudbi karo xilliga kala guurka ah.

Waxay kaloo golaha musharrixiintu sheegeen in aysan aqbalidoonin in ay dalka sii xukumaan hay’addo muddo xilloodkooda dastuuriga ah uu dhammaaday.

Waxay walaac ka muujiyeen khatarta sii xoogaysanaysa ee Alshabab, iyagoo dowladda ku eedeeyay in aysan wax masuuliyad ah iska saarin dagaalkooda.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online