3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2021
Somaliland: Saraakiil ka tirsan xisbiga Wadani oo booqday saxafiyad Hoodo Gareys iyo hooyadeed
 

Isniin, Febraayo, 22, 2021 (HOL)- saraakiil ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, ayaa gurigooda ku  booqday saxafiyad Hoodo Gareys iyo hooyadeed oo ay ciidamada boolisku jidh dil u gaysteen jimcihi lasoo dhaafay ee 19 bishan Febraayo.

Masuuliyiinta xisbiga Wadani ayaa laamaha cadaalada ugu baaqay, in ay saxafiyada iyo hooyadeed cadaalad siiyaan, iyagoo sidoo kalena sheegay in loo bahanyahay in la helo sharci dabra askarta si aanay shacabka u dhibaataynin.

“Boolis keenu wuxu u baahanyahay in shaqada ay booliska iyo shacab ku isku qabtaan bal horta booliska la fahansiiyo, in boolisku yahay adeegaha bulshada, sida ku qoran gidaarada saldhiyadana, uu boolisku yahay saaxiibka dadwaynaha, sidokalena la fahamsiiyo askariga in dirayska uu xidhanyahay iyo qoriga uu sito aanu cidna wax ugu gaysan, ee ay tahay in uu ku ilaaliyo maatidiisa iyo muwaadiniintiisa, oo ay dadka danbiyadu ku caddadaan ay xidhaan, Hoodo hooyadeed baa ku lamaanayd, hooyadeed waa gabadh abwaanad ah, oo qaranka u tirisay suugaan badan, oo wadaniyada iyo jiritaan keena lagu difaacayo, hooyadeed oo khakhtar Itoobiya ah laga keenay oo nabaro qabta ayay kabaha la dulmareen, askarigu qorigan uu sito uma sito muwaadinka eh dee cadawga ayuu u sitaa, iyo in uu muwaadinka difaaco”. Sida waxa yidhi, xogeeyaha arimaha bulshada ee xisbiga Wadani Maxamed Sadiiq Dhame.

Sidoo kalena xogeeyehayaasha cadaalada iyo waxbarashada ee xisbiga wadani, ayaa iyaguna sheegay in loobahanyahay in askartii danbiga gaysatay la hor keeno cadalada, isla markaana ku eedeyay taliyaha guud ee cidamada booliska Somaliland in uu ku fashilmay shaqadii uu qaranka u hayay.

Dhinaca kale saxafiyad Hoodo Gareys iyo hooyadeed ayaa iyaguna dhan kooda sheegay in hadii uu boolisku ka jawaabi waayo cabashadooda ay gacmahooda ku aar gudan doonaan.

“Dhibta ugu baladhaana shaadh ka Somaliland baa aniga maanta laygu gaadhsiiyay, hooyaday baa laygu hor dilay, oo si cadawtinimo leh anoo arkaya inta timaha la qabtay feedh jilib loogu garaacay, ciidanka qaranku isaga isu fura oo isu xidha, waa la joojiyaana banana la jiifiyaana banaan, shalay toole waan hadlay maantana waa kanoo waan hadlayaa, hadii aan arinka yaga laamaha cadaladu anay si dhakhso ah uga soo jawaabin, inamada yar yar ee na laayahay inamada yada ayaanu u diri doona” sida waxa tidhi saxafiyad Hoodo Gareys.

“ 18 jir aniga oo ah baan SNM ku biiray, ilaa imikana sidi baan u shaqeeyaa, madaxayga dhawac baa ku yaal, garbahayga dhaawac baa ku yaal, gacantayda dhaawac baa ku yaal, xabadihii igu dhacay waa ku waa, madaxayga in aan la taaban bay jimciyada qurumaha ka dhaxaysa ii qortay, waan hayaa waraaqihii oo gurigay yaalan, waligay kumaan fikirin nin askariya ayaa intuu soo talabsado wax idin yeeli, mida kale waa nala garanayay, oo waxa na garanayay ninka layidhaa Cabdi Madoobe ee taliye ku xigeen ka ah, sida naloo galay si hooyo loo galo iyo si inan loo galo mid naba may hayn, waxad namoodaysay cadaw meel kale ka yimid.’’ Sida waxa tidhi saxafiyad Hoodo Gareys hooyadeed.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected] 












Click here
2/22/2021 4:18 PM EST
Isniin, Febraayo, 22, 2021 (HOL)- shirjaraa’id oo ay siwadajira u qabteen, guddida tacliinta sare iyo xafiiska imtaxanaadka ee Somaliland, ayaa lagu shaaciyay, in maalinta bari ah ee 23 ka bishna Febraayo, ay bilaabmayso qabashada shahaadooyinka jamacada iyo dugsiga sare ee musharixiinta.

2/22/2021 3:26 PM EST
Isniin, Febraayo, 22, 2021 (HOL)- Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi, oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in hadaladii ay saxafiyad Hoodo Gareys ka sheegtay ciidanka booliska, ay yihiin kuwo xaqiiqda ka fog, isla markaana ay dacwada ka gudbinayaan.

2/22/2021 1:59 PM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya Mr James Swan oo warbixin siinayay shir Golaha Amaanku uu ka yeeshay xaaladihii ugu danbeeyay dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto cakirnaan siyaasadeed.

2/22/2021 9:00 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan.

2/22/2021 7:32 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlay shir jaraa'id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen golaha Midowga Musharixiinta ayaa soo hadal qaaday dhacdadii 19kii bishan Jimcihii toddobaad hore ka dhacday magaalada Muqdisho.

2/22/2021 6:52 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) -Midowga musharixiinta oo goor dhaw shir jaraa'id ku qabtay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale ku baaqay dibadbax ka dhici doona fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

2/22/2021 6:37 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) -Madaxtooyada Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

2/22/2021 4:21 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Dabkan oo socday saacado xiriir ah ayaa ka kacay habeenimadii xalay Warshada sameeysa Joodariyaasha oo ku taala deegaanka Ceeljaalle ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

2/22/2021 3:17 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe shaaciyay xog hoose iyo hadalo ay is dhaafsadeen isaga iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga soo bilaabo shirarkii doorashooyinka ilaa 19kii bishan oo ay qalaalso ka dhaceen magaalada Muqdisho.

2/22/2021 12:39 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Tanzania ayaa lagu tilmaamayay in si ku talagal ah isku dhaafineyso diiwaangalinta iyo la socoshada dadka uu soo ritay cudurka Covid 19.