4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2021
Wasiir Dubbe'' Qoraalkii ka soo baxay Imaaraadka wuxuu ahaa mid ay ku inkirayaan dowladnimada Soomaaliya

 

Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si kulul uga hadlay qoraalkii ka soo baxay dowladda Iskutaga Imaaraadka Carabta oo Dowladda Soomaaliya ee xiligan jirta ku tilmaamtay KMG.

Wasiirka ayaa sheegay in qoraalkaa ka soo baxay Imaaraadka uu ahaa mid baalmarsan dhaqanka carbeed iyo xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dowladdood.

''Warqada Imaaraadka waxaa ka muuqda in aysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya, oo ay dowladda inkirayaan, waxaana muuqata in hadalkii ay mucaaradku halkan ka lahaayeen ee ahaa dowlad dalka kama jirto iyo warqada imaaraadka ay wada socdaan'' ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wuxuu sheegay in Imaaraadku Soomaaliya ka rabaan in ay la mid noqoto dalalka Yemen iyo Liibiya, oo ay ka abuurto fowdo iyo barakac.

Waxaa uu ka dalbaday Dowladda Imaaraadka in ay cudur daar iyo waliba raaligalin buuxda ka bixiyaan qoraalkii ay dowladda Soomaaliya ugu yeertay in ay tahay KMG, taasoo ah ayuu yiri gaf qaran.

Qoraalka Imaaraadka ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay is hortaag ku sameeyeen dibadbax ay doonayeen siyaasyiinta mucaaradku in ay ka dhigaan magaalada Muqdisho Jimcihii ina dhaafay ee toddobaad hore.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]