4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Ciidamo uu hoggaaminayo Gen Indhacade oo la wareegay Taalada Daljirka Dahsoon

 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Amaanka guud ahaan Taalada Daljirka Dahsoon ee lagu waddo in uu Berri ah ka dhaco mudaaharaadka ay iclaamiyeen mucaaradka dowladda ayaa waxaa la wareegay ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo uu horkacayo Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade.

Gen Idhacade oo warbaahinta kula hadlayay Daljirka Dahsoon ayaa sheegay in sababta ay halkaa u joogaan isaga iyo ciidamada uu horkacayo tahay in ay adkeeyaan nabadgalyada goobta oo ay Berri sida uu hadalka u dhiggay isugu imanayaan shacabka reer Muqdisho.

Wuxuu sheegay in xiliggan dalka wax  dowlad ah ka jirin, sidaa daraadeed dadku xor u yihiin in ay muujiyaan shucuurtooda ku aadan in la helo dowlad iyo in aan sharciga lagu xadgudbin sida uu hadalka u dhiggay.

''Dalka dowlad ma laha, Baarlamaanka, waqtigiisu waa dhamaaday, Madaxweynaha waqtigiisu waa dhamaaday, Xukuumaddana waqtigeedu waa dhamaaday, sidaa daraadeed waa in dalkan uusan dib u noqon oo afar sano kasta doorashadii ay aheyd in la qabto lagu dhaqaaqo ayuu yiri '' Yuusuf Indhacade.

Waxaa uu intaa ku darray ''Madaxweynuhu wuxuu la mid yahay Cabdi Qaasimka Masar jooga oo kale ,Wasiiraduna anigoo Wasiir hore ah ayeey ila mid yihiin"

Bulshada Soomaaliyeed ayuu sheegay in uu xaqiijinayo in maalinta Berri ah uu dibadbaxaasi dhacayo isaga oo intaa ku darray in cid kasta oo arintaan ka hortimaado iyada mas'uuliyadeeda qaadi doonto wixii dhibaato ah ee ka yimaada.

Lama oga sida ay saacadaha soo socda wax isku badali doonaan iyadoo dhinaca kalana dowladdu ay waddo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah mudaaraadka maalinta Berri ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]