4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 14, 2021
Aqalka sare oo go'aan kasoo saaray xubnaha lagu daray golaha adeega garsoorka Soomaaliya
 

Axad, Feberaayo, 14, 2021 (HOL) - Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sharci darro iyo jabin dastuur ku tilmaamay hannaanka loo maray magacaabidda todobo xubnood oo kamid  noqonaya golaha adeega garsoorka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xubnahan ku ansixiyay xeer madaxweyne oo soo baxay dhammaadkii bishii december ee sanadkii lasoo dhaafay, inkastoo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku tilmaameen in taariikhda laga bedelay oo ay soo baxday wixii ka dambeeyay muddo xileedka madaxweynaha.

Qoraal dheer oo kasoo baxay aqalka sare ayaa lagu sheegay, in magacaabista xubnahan uu baalmarsan yahay dastuurka oo xeerinaya in ay soo magacowdo xukuumad sharciyad haysata.

Aqalka sare waxay ku doodayaan in xubnahan ay markii hore ay soo magacowday xukuumadii la riday ee raysal Wasaare Kheyre, waxayna madaweynaha ugu baaqeen inuu joojiyo ku xadgudubka dastuurka una hoggaansamaan sharciga sida ay hadalka u dhigeen.


 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]