4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Markab ay qabteen ciidamada xeebaha ee Somaliland iyo halka laga leeyahay
 

Isnin, Febraayo, 1, 2021 (HOL)- Ciidamada xeebaha ee Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Djabouti, kaasi oo ay sheegen in uu sifo sharci dora ah kaga kalluumaysanayay biyaha Somaliland.

Warbixin lagu qoray boga Facebook ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa lagu yidhi sidan:-

“ Saldhiga labaad ee ciidanka ilaalada xeebaha iyo difaaca bada ee fadhigiisu yahay magalada Saylac, waxa ay xalay hawlgal kusoo qabteen markabkan oo bishi dhamatay horaanteedi ay sidan oo kale ciidanku hawlgal ugu soo qabteen. Waxa laga war helay isla markii uu soo galay biyaha Somaliland, kadib markii usoo qabtay radarka ciidanka badu. Markabkani waxa uu caadaystay in uu in biyaha Somaliland kuso galo sifo sharci daro ah, hadana markabkii iyo shaqalihiba ciidanka ayaa gacanta ku haya waxana laga qaadi doona talabo adag”.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]