4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 9 , 2021
Xukuumada Somaliland oo la wareegtay shixnad tallaalka Covid-19 ah
 

Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa gudoontay shixnadii 3aad ee tallaalka Covid-19 ah oo ka kooban 30'000 oo tallaal ah, taasi oo ay ku deeqay dowladda Faransiiska iyada oo soo dhex maraysa Sanduuqa Caalamiga ah ee COVAX sida wasaaradu sheegtay.

"Wasaarada caafimaadku waxa ay u mahadcelinaysa cid walba oo ka qayb qaadatay tallaalka oo ay ugu horrayso dowladda Faransiiska iyo sanduuqa COVAX; sidoo kale, waxa ay u mahadcelinaysaa dhamaan hay'adaha caalamiga ah gaar ahaan hay'adaha WHO iyo UNICEF" ayaa lagu yidhi qoraal lagu daabacay boga wasaarada.

Sidoo kale, saraakiil sare sare oo ka tirsan Hay'adaha WHO iyo UNICEF, ayaa ku dheeraadey muhiimmada uu tallaalku u leeyahay ka hortagga fayraska waxayna wasaarada uga mahadnaqeen dagaalka ka dhanka ah caabuqa" sida warbixinta wasaarada lagu sheegay

Deeqdan ayaa suurogalin doonta in 30'000 oo qof oo kale oo reer Somaliland ah caabuqa laga tallaalo iyadoo hore caabuqa Covid-19 looga tallaalay tiro dad ah oo gaadhaysa ilaa 60,000  oo qof kuwaasi oo u badnaa shaqaale dowladeed, macalimiin iyo shaqaale caafimaad.

Abdi Rahman, Hiiraan online