4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 6 , 2021
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si kulul u eedeeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya
 

Jimco, Agoosto, 6, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si adag ugu eedeeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuusan dhexdhexaad ka aheyn khilaafka ka dhex taagan siyaasiyiinta Waqooyi.

Guddoomiye Xaashi ayaa si qoto dheer uga hadlay khilaafka ka dhaxeeya labada garab ee siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi iyo doorka Raysal wasaare Rooble.

“Raysul wasaaraha afartii xubnood ee aan magacaabay intuu u yeeray ayuu ku yiri doorashooyinka anigaa ka masuul ah, waa inaad doorasho gashaan haddii aad is dooran waydaana waan idinka saarayaa, hadda isagu ma magacaabin ee ogaada. Waa hanjabaad waana arin aan sina loo qaadan karin”ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Wuxuu intaasi ku daray guddoomiye Xaashi inuu doonayo Cadaalad, islamarkaana uu walaac ka qabo in Raysal wasaare Rooble oo la safto hal dhinac.

"Raysal wasaaraha hadii uu dhinac raaco sideen u garowsan karaa Raysal wasaarahu inuu cadaalad sameynaya, ma u arki karo, Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaan rabnaa cadaalad”ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Khilaafka ugu daran ayaa yimid kadib markii xubnaha ay kala magacabeen guddoomiye Xaashi iyo Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ay kala doorteen laba guddoomiye.

Hadalka guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa imaanaya xili uu dhawaan raysal wasaare Roobe uu sheegay inuu baabi’iyay guddoonkii hore.

  

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]