4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 4 , 2021
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo magacaabay guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare
 

Arbaco, Agoosto, 4, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa maanta magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal.

Xubnaha maanta la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]