4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 4 , 2021
Shariif Sheekh Axmed oo beeniyay in musharaxiinta madaxweyne ay isu tanaasuleen
 

Arbaco, Agoosto, 4, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay inuu jiro isu tanaasul ay isku afgarteen musharraxiinta ay isku beesha kasoo jeedaan ee u tartamaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed oo qoraal kusoo daabacay bartiisa Facebook, ayaa cambaareeyay warar lasoo dhigay baraha bulshada oo looga been abuurtay laguna sheegay in  ay isu tanaasuleen musharraxiinta.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay inuu had iyo goor aaminsan yahay in la galo tartan xor ah oo ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo uu sheegay inuu waqti dheer soo galiyay welina aan u taagan yahay.

"Waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar" ayuu yiri Sheekh Shariif.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 10-ka October 2021, hase yeeshee sida hadda jadwalka doorasho ku socdo waxaa suurta-gal ah inay dib uga dhacdo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa horay Soomaaliya u soo hoggaamiyay sannadihii 2009/2012. Balse Labo jeer ayuu ku guul daraystay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo kala ah, 2012 iyo 2017.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online