4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 3 , 2021
Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland oo codsi u diray Madaxweynaha Puntland
 

Talaado, Agoosto, 3, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad goboleedka ee Puntland ayaa warqad codsi ah u gudbiyay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Guddiga ayaa madaxweyne Siciid Deni ka codsaday inuu soo gudbiyo liiska xubnaha ku tartamaya kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku matalaya maamulka Puntland.

Waxaa horay codsiyo noocaan oo kale ah ugu gudbiyay madaxweynayaasha Jubbaland, Koofur Galbeed, iyo Galmudug guddiyada doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland, Koofur Galbeed, iyo Galmudug waxaana xusid mudan in madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur Galbeed ay si deg deg ah uga soo jawab celiyeen codsiyadii ay u jeediyeen guddiyada doorashada ee maamuladooda.

Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle waxay ka mid yihiin maamulada aanan wali soo gudbin liiska Musharaxiinta u taagan doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ilaa hada ka qabsoontay Jubbaland iyo Koofur Galbeed, halka guddiyada doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug iyo Puntland ay codsiyo u gudbiyeen madaxweynayaasha labadaas maamul.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]