4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 3 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan deg deg ah isugu yeeray xubnaha guddiga doorashada gobolada Waqooyi
 

Talaado, Agoosto, 3, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isugu yeeray kulan deg deg ah xubnaha guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi.

Kulanka ayaa la sheegay inuu ka dhici doono xafiiska Raysal wasaare Rooble, waxaana lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska wasiiru dowlaha xafiiska Raysal wasaaraha in kulankan uu yahay mid muhiim ah.

Kulankan deg dega ah ee uu dalbaday Raysal wasaaraha ayaa imaanaya xili Afhayeenka Xukuumadda uu sheegay in la dhameystiray la tashiyadii ka dhaxeeyay Raysal wasaare Rooble iyo Raysal wasaare ku xigeenka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare.

Gabagabadii kulanka lagu wado inuu maanta dhexmaro Rooble iyo xubnaha guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid lagu soo afjaraayo khilaafka daba dheeraday ee ka dhexjira guddiga doorashada gobolada waqooyi.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]