4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 22, 2021
Howlgalka AMISOM oo qirtay dilka dadkii shacabka ahaa ee dhawaan lagu dilay gobolka Sh/ hoose
 

Axad, Agoosto, 22, 2021 (HOL) - Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaacisay in baaritaano hordhac ah oo ay sameyeen ay ku ogaadeen 7 ruux oo ay dhawaan ciidankooda ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose iney ahayeen dad shacab ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in falkaasi baaritaano dheeraad ah lagu sameynaayo askartii ka dambeysay dilkaasina lala xisaabtami doono.

Qirashada AMISOM ee ah in ciidankeeda dadkaasi ay dileen ku qiratay iney shacab ahayeen ayaa imaaneysa xili ehelada dadka la dilay ay diideen iney aastaan meydadka ilaa AMISOM ay ka qirato dilka dadka eheladooda ahaa.

“ Si loo baaro dhacdadan halista ah lagana taliyo tallaabooyinka dabagalka ah. AMISOM waxay sameysay Guddi Baaritaan oo ka kooban toddoba xubnood, kuwaasoo isla markiiba bilaabay shaqadooda. Baaritaankan sharciga ah waxaa hoggaaminaya sarkaal sare iyo laba xubnood oo ka socda Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa. Xubnaha kale waxaa ku jira sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya" ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay AMISOM.

AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay inay la shaqeynayaan dowladda Federaalka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay, si loo sameeyo baaritaan deg deg ah oo hufan kaas oo la soo gabagabeyn doono 6 -da September 2021, isla markaana guddiga baarista ay dejin doonaan inta ay le’eg tahay masuuliyadda ciidamada AMISOM ee dhimashada toddobada qof iyo duruufaha ay ku dhacday arintaasi.

Waxay intaasi ku dartay AMISOM in guddigu  ku talin doonaan in magdhaw la siiyo qoysaska ay dhibaatadu saameysey haddii ay dhacdo in askarta AMISOM lagu helo dambi ayna soo jeediyaan talooyin si looga fogaado inay soo laabtaan falalkaasi oo kale.

Tan iyo markii ciidamada AMISOM ay dilka u geysteen dadkaasi shacabka ahaa waxaa Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Sh/hoose ka dhacaayay banaanbaxyo looga soo horjeedo falkii AMISOM ay dilka ugu geysatay dadka rayidka ahaa.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]