4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 18, 2021
Dabley katirsan Daacish oo caawa dilay mid kamid guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland
 

Arbaco, Agoosto, 18, 2021 (HOL) - Dabley hubaysan oo loo sheegay in ay katirsan yihiin ururka Daacish ayaa caawa degmada Balidhidhin ee gobolka Bari ku dilay guddoomiyihii degmadaas.

Sida ay HOL u sheegeen ilo wareedyo, guddoomiyaha ayaa lagu dilay magaalada gudaheeda kadib markii ay kooxda hubaysan gudaha usoo galeen.

Dilka kaddib dableyda ayaa goobta ka baxsatay. Mana jirin ciidamo Puntland ah oo xilligaas ku sugnaa magaalada marka laga reebo tiro yar oo booliis ah.

Daacish ayaa si firfircoon uga howlgasha deegaannada ku dhow Balidhidhin, halkaas oo dhowaan qarax lagula eegtay kolonyo ciiddan oo uu la socday wasiirka amniga Puntland lagu dilay labo askari.

Dilka guddoomiyaha Balidhidhi ayaa kusoo aaday kadib markii dhawaan Puntland ay sheegtay inay soo afjartay kooxdii Daacish ee farriisimaha ku lahaa buuraha Calmiskaad.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online