4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 18, 2021
Taliyaha ciiddanka lugta Soomaaliya oo sheegay dagaalka shalay koonfurta Mudug in ay ku dileen 24 Shabaab ah
 

Arbaco, Agoosto, 18, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay dagaalkii shalay dhexmaray ciiddamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo dhinaca iyo kooxda Alshabaab.

Gen. Maxamed Tahliil Biixi, oo wareysi siinayay BBC Somali, ayaa sheegay in dagalkaasi ay ku dileen 24 kamid ah dagaalamayaasha Alshabaab, iyaga dhinacoodana wuxuu tilmaamay in ay ka geeriyoodeen hal sarkaal iyo labo askari.

Gen. Biixi wuxuu sheegay dagaalku  inuu dhacay Xawaal Cumar oo dhacda aagga Ceel-Huur, isagoo sheegay inuu dagaal aad u culus oo khasaare ballaaran ay ku gaarsiiyeen Alshabaab.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay dagaalka soo qaadeen Alshabab oo doonaysay in ay dib u qabsadaan deegaannada dhawaan laga saaray.

Biixi wuxuu sheegay ciidamadu in ay saakay gaareen goobihii loogasoo duulay, ayna la wareegeen deegaanno kale oo cusub.

Wuxuu xaqiijiyay taliyuhu in hal gaari looga gubay dagaalka, sidoo kalena todobo askari looga dhaawacay.

Alshabaab ayaa maanta war qoraal ah oo ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay dagaalkii shalay ku dileen 30 kamid ah ciiddamada milatariga Soomaaliya ayna maxaabiis ku qabteen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online