4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 18, 2021
Wasiir Kaahin "Xamar iyo Afgooye oo 27KM isku jiraa isma dhex galaan"
 

Arbaco, Agoosto, 18, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay wado barnaamij isdhexgal lagaga dhex abuurayo dhalinyarada Somaliland iyo Soomaaliya oo aan faa'iido lahayn, sida uu sheegay.

"Waar Xamar iyo Jawhar isma dhex galaan, Xamar iyo Afgooye oo 27KM isku jiraa isma dhex galaan, Baydhabo iyo Kismaayona isma dhex galaan, Xamar iyo Baladweyne isma dhex galaan, bal is dhex galka Xamar iyo Hargaysa laga sameeya muxu kordhiyaa?" Ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyaro reer Somaliland ah oo magaalada Muqdisho u tagay barnaamijka isdhexgalka dhalinyarada, ee ay dowlada Soomaaliya ka shaqaynayso sida uu sheegay, ay nolol aad u xun kala kulmeen magaalada Muqdisho.

"Maaha Ibni-adanku in uu is jaha wareeriyo, maanta xogaha aanu hayno waxa kamid ah qaar dhalinyaradeena ka mid ah oo barnaamijka lagu jaha wareeriyay, in ay imika xaalada ugu xun, nolosha ugu xun iyo dhibta ugu xun ay Xamar ku joogaan" ayuu yidhi wasiirku.

Barnaamijka isdhexgalka dhalinyarada, dhaqanka iyo fanka, ayaa kamid ahaa qodobadii lagu soo hadal qaaday wada-hadaladii aan midho dhalin ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Jabuuti 15, Juun, 2020.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]