4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 18, 2021
Somaliland : Askarigii Boorama ku dilay ardayga oo dil toogasho lagu xukumay
 

Arbaco, Agoosto, 18, 2021 (HOL) - Maxkamadda Ciidanka Milatariga Somaliland, ayaa  xukun dil toogasho ah ku riday Cismaan Diiriye Buraale, oo ah askarigii jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama ku toogtay Ibraahim Salaad oo ka mid ahaa ardayda jaamacadda Camuud.

Askariga maanta la xukumay, ayaa jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama 5 bishii July ku dilay arday lagu magacaabi jiray Ibraahin Salaad oo kamid ahaa ardayda Kulliyada Ingineerinka ee jaamacadda Camuud.

Dilka ayaa yimid kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay asgariga oo kamid ahaa ilaalada jaamacadda iyo Ibraahin salaad, waxayna xukuumadu xiligaas ehelada marxuumka u balan qaaday in askariga dilka gaystay sharciga la marin doono taasi oo maanta maxkamadda millaterigu fulisay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]